Walaca waa mid guud oo ku dhaca dhammaan dumarka iyo qeybta aan fiiceen ee uurka.
Waa maxay walac?
Walaca waa dareemid lallabo daran oo marmarka qaarkood waxaa wehliyo matag, taas oo ay dareemaan dumarka xilliga uurka. Sida caadiga ah waxay dareemaan inta lagu guda jiro saddexda bilood ee hore.
Dhab ahaantii 70% haweenka uurka leh waa uu ku dhacaa xilliga uurka. Xaaladdu waa mid caadi ah ilaa uu noqdo mid aad u daran, khatar kuma aha adiga iyo uur-jiifkaadaba, balse nolosha waxay noqon kartaa mid dhibaato leh haddii ay cuntada ama dareeraha kaa dageynin oo aad bilowdo inaa miisaankada lumiso.
Walaca caadiyan waxa uu bilowdaa todobaadka shanaad ama lixaad ee uurka waxa uuna sii darnaadaa bisha xigta iyo wixii ka danbeeyo. Waxa uu ka tagaa dumarka qaarkood todobaadka 14aad ilaa todobaadka 20aad ee uurka.
Dadka qaar waxay aaminsanyihiin in walaca uu yahay qaabka uu kaga ilaaliyo uurjiifta ee waqtiga hore ee uurka sunta iyo cunooyinka khatarta ah.
Saddexda bilood ee hore – marka dumarka intooda badan qabaan walaca ugu daran- waa xilliga muhiimka ah ee koriinka uurjiifta, waana marka ay xubnaha muhiimka ah iyo qaab jireedka uurjiifta ay sameysmayaan.
Calaamadaha walaca
Haweenka walaca ah waxay la kulmi karaan calaamadahaan:
- Lallabo (dareen hunqaac ah)
- Matag
- Candhuuf badan
Hadii lallabadaada iyo mataggaagu ay aad y daran yihiin oo aadan waxba liqi karin ma ka dagi karin – ha ahaadaan biyo, cuntada, fitimiinada dhalmada iyo daawooyinka – waxaa laga yaabaa inaad qabto hyperemesis gravidarum.
Xaaladdan oo kale waxaa laga yaabaa inaad u baahato faleebo iyo inaa tagto isbitaal si laguu daweeyo.Isla markiiba la hadal dhakhtarkaada ama ummulisadaada haddii:
- Uu culeeskaada 1kg hoos u dhaco.
- Ay sii jiraan lallabada iyo matagga kadib todobaadka 9aad.
- Aad dhiig matageyso.
- Aad wareer dareemeyso maraka aad istaagto.
- Aad isku aragto calaamado fuuq-baxa oo ay la jirto kaadida oo madoobaato ama kaadida oo aan joogta ahayn.
- Aad isku aragto dhexda oo ku xanuuneyso, madax xanuun, qandho ama barar xagga hore ee qoorta.
- Ay kugu nagaaneynin wax kasto oo dareera ah 12 saacadood ama wax kasto oo adag 24 saacadood.
Ma caadi baa inuu i hayo walaca maalinta oo dhan?
Haa, walaca waxa aad dareemi kartaa waqti walba, malaha waqti gooni ah oo maalintii ah.
Waxaa jiro noocyo kala duwan, dumarka qaar waxa uu hayaa maalintii oo dhan, kuwa kale subuxdii oo kaliya kuwa kalena waxay dareeman habeenkii kaliya.
Ma caadi baa in uu jiri karo dhammaan xilliga uurka?
Arin guud ma aha, balse tiro yar oo hooyooyin ah ayaa walaca dareemo dhamaan xilliga uurka.
La hadal dhartarkaada hadii lallabaadu ama mataggaagu uu dhaafo todobaadka 20aad ee uurka.
Walacaaga oo raaga waxa uu kaa dhigi karaa mid murugeysan oo ay xaalada sii xumaato, sidoo kale kugu sababto fuuqbax ama uu ka hortago kororka miisan caafimaad lehMararka qaarkood lallabbo iyo matag waxay calaamad u noqon karaan xanuun kale oo caafimaad, ee ma aha uur kaliya, sidaas darteed waa fikrad wanaagsan in la hubiyo hadii ay jiraan xanuun aan walaca ahayn. (Tani waxay si gaar ah muhiim u tahay haddii walacaaga uu dib u soo laabtay ka dib markii uu maqnaa dhowr toddobaad.)
Maxaa sababa walaca?
Waxay u badan tahay in ay sababi karto walaca marka laysku daro isbedelada ku dhacaayo jirkaada. Sababha suurtagalka ah waxaa ka mid ah:
Human chorionic gonadotropin (hCG)
Hormoonkaan ayaa si degdeg ah kor ugu kaco xilliga uurka hore. Qofna ma ogo sida uu (hCG) ugu qeyb qaato lallabada, balse waxay u muuqataa inay si gaar ah u badan tahay lallabada waqtiga uu kor u kaco heerka (hCG), waxaa ka sii badan xaladaha kale oo sababa in uu kor u kaco (hCG) sida: qaadista mataano ama ka badan sidoo kale waxay keenta inaa kor u kaco lallabada iyo mataga.
Estrogen
Estrogen-ka waa sabab kale oo suurtagal ah, sababtoo ah waxa uu sidoo kale si degdeg ah u kor ugu kacaa xilliga hore ee uurka. Kordhinta estrogen-ka waxay sababi kartaa dareenka sii kordhaya ee urta oo haween badan ay la kulmaan saddexda bilood ee ugu horreeya.
Calool xasaasi ah.
Qaar ka mid ah habdhiska dheefshiidka haweenka ayaa aad ugu nugul isbeddellada uurka hore. Sidoo kale, cilmi-baaris qaar ayaa soo jeedinaysa in haweenka qaba bakteeriyada Helicobacter pylori ee calooshooda ay u badan tahay inay la kulmaan lallabbo iyo matag. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan daraasadaha ma xaqiijinayaan xiriirkan.
Uurka mataanaha ama ka badan
Haddii aad uur wadid mataano ama ka badan, waxaad u badan tahay inaad la kulanto lallabo ama matag inta aad uurka leedahay. Tani waxay ka iman kartaa heerarka sare ee hCG, estrogen, ama hoormoonada kale ee ku jira nidaamkaaga. Waxa kale oo u badan tahay inaad yeelato walac aad u daran. Dhanka kale, ma aha mid la hubo – qaar ka mid ah haweenka mataanaha ah waxay leeyihiin lallabo yar ama ma laha.
Ma calaamad wanaagsan baa walaca?
Waxaa laga yaabaa inay sidaas tahay. Tiro daraasado ah ayaa lagu ogaaday in heerka dhicisku uu hooseeyo haweenka qaba walaca ama hyperemesis gravidarum. Laakiin haween badan oo uur caadi ah leh ayaa la kulma lallabo yar ama aan lahayn inta lagu jiro saddexda bilood ee ugu horreysa.Haddii ilmahaaga ama mandheertaadu aysan si fiican u koreynin, waxaad yeelan lahayd heerar hoose oo hoormoonada uurka ah oo ku jira habdhiskaaga. Markaa haddii hoormoonada ay yihiin waxa sababa lallabbo, xanuunka subaxda wuxuu noqon karaa calaamad muujinaysa in jirkaagu uu sameynayo waxa loo baahan yahay si uu u taageero uurkaaga. Taasi kama dhigayso mid aad u xiiso badan, in kastoo!
Daawooyinka walaca
Isbeddellada fudud iyo xeeladaha ayaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan yareynta calaamadaha walaca, gaar ahaan haddii aad qabto walac khafiif ah. Laakiin haddii aysan kuu shaqeynin, u sheeg bixiyahaaga daryeelka caafimaadka. Haweenka qaar ayaa ka labalabeeya inay raadsadaan daaweyn walaca sababtoo ah waxay ka walaacsan yihiin in daawooyinku ay waxyeeleyn karaan ilmahooda. Laakiin waxaa jira daawooyin badan oo walaca ah oo ammaan ah oo wax ku ool ah – cuntada iyo qaab nololeedka waxay badali karaan sidoo kale daawooyinka.
Daawooyinka guriga lagu sameeyo
Haddii lallabo iyo mataga yaryahin xeeladahani way ku caawin karaan:
- Ka fogow waxyaabaha kiciya sida kulaylka, urta cuntada ee xooggan, iyo udgoonka. Cuntooyinka shiilan, dufanka leh, iyo kuwa basbaaska leh ayaa sidoo kale kicin kara lallabo.
- Cun cuntooyin yaryar oo badan: Calool madhan ayaa ka sii dari kara lallabada, markaa cun shan ama lix cunto oo yaryar maalintii. Kahor intaadan sariirta ka kicin, cun cunto fudud oo yar sida rooti qalalan ama buskud.
- Fiitamiinkaaga qaado habeenkii. Qaadashada fiitamiinkaaga uurka kahor intaadan seexan waxay yareyn kartaa lallabada. Haddii aad wali lallabbo qabtid, weydii dhakhtarkaaga inuu kugula taliyo fiitamiin kale oo uurka kahor ah.
- Fiitamiin B6. Qaadashada fiitamiin B6 (oo sidoo kale loo yaqaan pyridoxine) ayaa la muujiyay inay yareyso lallabada haweenka uurka leh qaarkood. Waa ammaan waana laga heli karaa. Laakiin ka hor intaadan qaadan fiitamiin B6, la tasho bixiyahaaga daryeelka cafimaad si aad u ogaato inta la qaadanayo iyo in xaddiga fitamiinka uurkaaga uu yahay mid ka mid ah qiyaasaha. Daryeelahaaga wuxuu kugula talin karaa inaad ku bilowdo qaadashada 10 ilaa 25 mg, saddex ama afar jeer maalintii.
Cuntooyinka loogu talagalay heweenka walaca ah
Noocyo cunto ah ayaa kaa caawin kara yareynta lallabadaada – ama ugu yaraan kaa yareen kara xanuun dareemeyso:
- Cuntooyinka borotiinka badan leh: Cuntooyinka borotiinka badan leh sida lawska, hilibka jiirta ah, ukunta iyo caano fadhiya (Yogurt) ayaa kaa caawin kara inaad calooshaada dejiso.
- Cuntooyinka leh fitamiin B6: Lawska, digirta cagaaran, karootada, baradhada, hilibka jiirta ah, iyo kalluunka ayaa ah ilo wanaagsan oo fiitamiinkan laga helo, kaas oo la sheegay inuu yareeyo lallabada dumarka qaarkood.
- Cunto qabow: Urta karinta waxay keeni kartaa lallabo, sidaa darteed cuntooyinka qabow waxay noqon karaan kuwo soo jiidasho leh ilaa inta aad ka baxayso walaca subaxdii.
- Cunto ay sameeyeen dad kale: Mar labaad, sababtoo ah karintu waxay keeni kartaa lallabo, haweenka qaar waxay u arkaan inay u fududahay inay cunaan cunto aysan iyagu diyaarin. Ka qaado cunto suuq ama makhaayad, ama weydii qof aad jeceshahay inuu kuu sameeyo cuntadaada.
